Contact US

+252906798549
+25261-5678071

Whatsapp

+252907553144

Address

Xero Darawiish , Galkacyo
BARXADA-YAR GAROWE

Riyadh Air waa shirkad diyaaradeed oo cusub oo ay ledahay dowladda Sucuudiga, gaar ahaan Public Investment Fund (PIF), si ay u noqoto mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ugu horreeya caalamka. Waxaa la aasaasay 2023, waxaana duulimaadkeedii ugu horreeyay si rasmi ah ay bilowday 23 janaury 2025.
Ujeeddooyinka Riyadh Air
Riyadh Air waa qayb ka mid ah hadafka Saudiga 2030, taasoo lagu doonayo in Sucuudiga laga dhigo xarun caalami ah oo isku xidhaysa dunida. Shirkaddu waxay hiigsanaysaa:
✅ Inay gaadho in ka badan 100 magaalo marka la gaaro 2030
✅ Inay kaalin weyn ka qaadato kobcinta dhaqaalaha duulista iyo dalxiiska Sucuudiga
✅ Inay tartan la gasho shirkadaha waaweyn ee duulimaadyada caalamiga ah sida Emirates, Qatar Airways, iyo Turkish Airlines
✅ Inay abuurto in ka badan 200,000 shaqo oo si toos ah iyo si dadban u taabanaya dadka Sucuudiga
Riyadh Air waxay dalbatay 72 Boeing 787-9 diyaarado ah oo casri ah (waxayna qorshaynaysaa in ka badan 132 diyaaradood marki lagaaro 2030 )
Waxay iska kaashatay 8 shirkadood oo waaweyn, oo ay ku jirto Turkish Airlines si ay u xoojiso isku xidhnaanta caalamiga ah
Riyadh Air waxay xarun ka dhigatay Riyadh, Sucuudiga, gaar ahaan King Khalid International Airport
Diyaaradan waxay kamid tahay qorshaha lagu balaarinayo hadafka saudiga ee ah inay soo cumraystaan 2030 in kabadan 30 Milyan oo ruux
Sanadki tagay ee 2024 waxaa soo cimraystay in kabadan 17 milyan oo ruux
Soomalida ayaa kamida dadka aadka uga faaidaystay hadafka Sucuudiga ee balaarinta cumrada iyo xajka
May be an image of ‎10 people, aircraft and ‎text that says "‎NL RIYADH. YADHARR.... AIR...... AIR الرياض طيران rBлo MET 眉定 R‎"‎‎

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *